Madaxweynaha maamulka Puntland Sicid Cabdilaahi Deni ayaa la weydiiyay Caawa mar uu ka qeyb galaayay kulan baalaadhan ka dhacay Garoowe Su allo Aad U Faro badan,
Su aalaha waxaa kamid ahaa la weydiiyay madaxweyne Deni maxaad u tagi weyday caasimada soomaaliya Mudo Sanad ah ayaad tahay madaxweyne.
Deni ayaa ku jawaabay” “Aniga meel iskama tago, hadaanan shaqo u tageyn howsha ugu weyna waa in aan u tago xiriirka Dowladda Fedraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kaasna markii ugu horeysay Garowe ayaan ku qabanay, wixii ka danbeeyayna waa la diiday in la isugu yimaado masuuliyadeedana Puntland malahan, shaqooyinka kalana wasiirada leh wey tagaan marka teydii waa la ii ogalaan la’yahay, ee marka la ii ogalaado ayaan tagay”
