DAAWO:Ugaaska Beledweyne Oo Ka Horyimid Qadiyada Somaliland, Guddidii Somaliland-na U Sheegay In Soomaaliya Mid Tahay

Guddidii ka socotay maamulka somaliland ee gurmadka gaadhsiisay dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada ee gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee gobolkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan oo ahaa qado sharaf uu Ugaas Khaliif ku maamusay guddida ka socotay somaliland ayaa laysku waydaarsaday aragtiyo la xidhiidha midnimada soomaaliya iyo gooni isu taaga somaliland.

Ugu horayn Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka hadlaya midnimada soomaalida ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Walaalayaal soo dhawaada, waanad mahadsan tihiin mar labaad, dadku waa soomaali, soomaaliduna waa mid, Soomaalida wax ayaa ka khaldan oo dadku isma diidana, suaashuna waxay tahay yaa is diidan, ma dhaqanka ayaa is diidan mise siyaasada ayaa is diidan, taas ayaana laydinka doonayaa inaad jawaab ka bixisaan”

Dhinaca kale gudoomiyaha guddida somaliland ee gurmadka gaysay gobolka Hiiraan Jamaal Caydiid Ibraahin oo ka hal celiyey hadalka Ugaaska ayaa sheegay in hada somaliland ay go’aan ka tahay inay sidaas kaga go’aan somaliya waxaanu yidhi “Barigii hore ee lixdankii samafalkii weynaa ee aanu samaynay ka dib waxaad noo bixiseen QALDAAN, niman si deg deg ah u yimid oo hawshiina si fudud u galay laakiin caynkaas may ahayne waxay ahayd soomaali jacayl iyo in laga shaqeeyo shantii soomaliyeed oo laysla doonto, dhiig badan ayeynu u daadinay oo wakhti badan ayaa inagaga lumay walibana inta badan anaga ayaa tirsanaynay oo idinku gabay iyo Hees toona laydinkama maqlin ee anagu labadaba waanu ku dari jirnay, shantoo is weheshadaa wacnaydee ayaanu ku heesi jirnay.”