War Deg Deg Ah:Maamul Beeleedka Somaliland Oo Joojiyay Daawooyin Uga Imaan jiray Muqdisho,

Maamulka Somaliland ayaa waxa ay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay joojisay dhamaan daawooyinkii ka iman jirey Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa daawooyinkaasi looga keeni jirey Muqdisho waxay shuruud uga dhigtay inay sitaan waraaq ay bixiso Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, oo lagu sheegay in lagu hubiyo bad qabka daawooyinkaasi.

Daawooyinkaasi hore uga iman jirey magaalada Muqdisho ee la keeni jirey gudaha maamulka Somaliland, ayaa waxay markii hore Madaarka Hargeysa kaga soo dagayeen iyagoona wax shuruud ah ama waraaq ah lagu xidhi jirin.


Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayaddaee maamulka Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo hor tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland, ayaa waxa uu si rasmiya u sheegay in daawooyiinkii ka iman jirey Muqdisho ee inta badan ka soo dagi jirey madaarka Hargeysa ay joogsadeen.