Qorrax madoobaad ayaa maalinta berito oo ku beegan 26 decembar laga arkidoonaa wadamo badan oo kuyaala qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Australia.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dowladda Sacuudi Arabiya ayaa dib u dhigtay saacado kooban waqtigii imtixaanka dhexe ee aradayda u socday, isagoo ku beegan waqtiga la filayo Qorax madoobaadka.

Qorrax-madoobaadkan oo badanaa loo yaqaanno guluubka dabka, ayaa wuxuu yimaadaa marka Dayaxu daboolo bartamaha qorraxda, taasoo ka dhigaysa geesaha qorraxda inay sameeyaan giraan dab ah.
Waa sanadka saddexaad ee qorrax madoobaadka ka dhici doona Aasiya, Afrika iyo Australia.

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa isku diyaarinaya salaadda la tukado qorrax madoobaadka

Qorrax madoobaadkan waxaa la sheegay in laga arkidoono dalalka Saudi Arabia, Qatar, United Arab Emirates, Oman, India, Sri Lanka, Malaysia, Indonesia, Singapore, Northern Mariana Islands, iyo Guam.

Waxaa kaloo laga arkidoonaa meelo kamid ah qaarada Afrika iyo Australia sida ay tilmaamayso saadaasha laga bixiyay.