DAAWO:Weriye shaqadeeda ku weysay su`aal ay weydiisay madaxweynaha Ruushka

Wariye Lagu Magacaabo Alisa Yarovskaya ay u weysay shaqadeedii weriyenimada ee telefishinka Yamal-Region maalmo kaddib markii ay Su al weydiisay Madaxweynaha Ruushka,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Arctic Yamal oo ka tirsan waqooyi-galbeed Siberia ay dhibsadeen su`aasheeda.

Yarovskaya, ayaa si kastaba, sheegtay inay iyada gudbisay iscasilaaddeeda.

Balse arrintan ayaa tooshka ku iftiimisay sida ay weriyeyaasha Ruushka ugu adag tahay inay la xisaabtamaan maamullada.

Alisa Yarovskaya ayaa qabsatay makarafoonka, inkastoo afhayeenka madaxweynaha Dmitry Peskovloo uu makarafoonka u waday weriye kale oo telefishinka Yamal-Region ka socday

“Barasaabkeenna, Dmitry Artkyukhov, wax dadaal ah kuma bixiyo inuu ka dhabeeyo dhismaha buundada,” ayay tiri Yarovskaya. “Welina arrintan inta badan lagama hadlo xitaa heer federaal. Sidaas daraaddeed waxay su`aashu tahay ma heli karnaa inuu federaalku soo fara geliyo?”

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in federaalku uusan u habbooneyn soo faragelinta hal mashruuc, balse wuxuu sheegay in buundada Ob ay muhiim u tahay isku xirka gobolka, maaddaama in dekadaha Arctic ay furmeen ay tahay wax muhiim ah.