Deg Deg::Ciidanka Liyuu Police-ka Dawlad Deegaanka Soomaalida oo galay Gobalka Galguduud.

Ciidamada booliska gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Police-ka ayaa galay deegaano katirsan Waqooyiga gobalka Galgudud ee Soomaaliya, halkaas oo ay agagaarkeeda dhawaan kula dagaalameen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda xagga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay soo gaareen deegaano ka tirsan Galgaduud ee xuduudka Itoobiya, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Maleeshiyo xoolo dhaqato ah iyo Ciidanka Liyuu Booliska.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay ay arkeen, iyaga oo gudaha u soo galaya deegaanka Boorancad oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ee ka tirsan qeybta 21aad ayaa iyana la sheegay in maalmo ka hor gaareen deegaankaas, iyagoo u kala wareejiyay maxaabiis ay kala qabsadeen labada dhinac ee ku dagaalamay deegaankaas.

Lama oga ujeedka ay Ciidamada Itoobiya u soo gaareen deegaanka, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay dhaq dhaqaaqan ciidan qeyb ka yahay qorshe lagu adkeynayo ammaanka xuduudaha oo dagaalo soo noq-noqday ay ka dhaceen.