Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenkaCabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo labo sano kadib galay maanta madaxtooyada waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee maamulkaasi,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyadamaamulka Somalilaland Kulanka Muuse Biixi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray:
1- In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.
2- In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
3 In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.
