Daawo::’Waxaa La Gaadhay Wakhti-gii Dhulbahante iyo Warsangali Hagbada Isku Darsan Lahaayen”

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Khudbad Xiiso leh oo Kulan ay Gobolka Minnesota ku yeesheen Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir uu ka jeediyey Xuseen Aadan Kaneec oo ah Wiil dhalinyaro ah, kana soo jeeda deegaanada Khaatumo, Balse ku dhashay kuna Barbaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khudbadiisa oo siwayn dadka usoo Jiidatay ayuu ku sheegey in Markii uu yaraa Aabihii  uu uga Sheekayn jiray Taariikhda deegaanada uu kasoo jeedo,  Halgankii Daraawiishta iyo Doorkii ay ku dhex lahaayeen Soomaalida, Balse wuxuu sheegay in maanta waxa ka Muuqda deegaankaasi iyo waxa looga Waramay ay siwayn u kala fogyihiin.