Deg Deg::Muqdisho laga Furay Hordhaca Shir Wadahadalka Somalia iyo Maamulka Somalialnd.

Shir ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana looga arrinsanayo wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Shirka oo ah mid hor dhac ah ayaa waxaa ka qeyb galaya, waxgarad matalaya Somaliland iyo xubnaha gudiga wadahadalka ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Muddada uu shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.

Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sanadihii ugu dambeeyey ay hakad ku jireen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana dadka ordosa siyaasadda ay rajo xumo ka muujinayaan shirkaan, maadaama lagu qabanayo magaalada Muqdisho, taasina aysan u cuntami karin Somaliland oo muddo fog raadineysa Ictiraaf gooni ah.