Deg Deg::Abiy Ahmed oo Ka Hdalay Weeraer Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaal Dalka Itoobiya,

-Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Sabtidii cambaareeyay Rabshado lagu weeraray Maasjiddo oo ka dhacay gobolka Amharada.

Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed oo bartiisa facebook fariin uu ku cambaareynayo dhacdadi magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarada oo masaajidda lagu gubay wuxuu sheegay “Dalka Itoobiya ee waddada horumarka cagta saaray oo dhaqanka u lahaa dadyoowga diimaha kala duwan aaminsan iney si istixtiraam leh ay uga wada noolaayeen ay jiraan kooxa xagjir ah oo doonaya dhaqankaaasi soo jireenka ahaa iney burburiyaan.
Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan cambaareynayaa ficilada fulaynimada ah waxaanan ugu baaqayaa dhamaan itoobiyada nabada jecel inay soo bartaan aqoonta qotada dheer ee wada noolaanshaha iyo ixtiraamka.”

Wuxuuna shacabka Itoobiya uu ugu baaqay iney ka wada qayb qaateen dhanka wada noolashaha ee soo jireenka ah sidi ay u ilaashan lahaayeen kooxaha bulshooyinka diimaha kala duwan aaminsan iska horkeenayana ay ka hortagaan.

Masaajiddo ku yaalla magaalada Moota ee deegaanka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa Jimcihi dab la qabadsiiyey iyada oo boob iyo burburinba loo geystay gooba ganacsiga oo ay muslimiinta laga tirada badan yahay ee magalada Mootaa ku nool ay lahaayeen.