Sucuudiga iyo guurka Hablaha talaabo culus..

Go’aanka Sucuudigu uu gaadhay ee ah in haddii gabadha loodiido ninkay is calmadeen in ay isu guuriso waa go’aan nolosha dhalinyarada Sucuudiga wax weyn ka badelay, aafooyin Sucuudiga ku habsadeyna ka dul qaadaya.
Guurkii Misyaarkana soo afjaraya waxaana xaaladan iyo go’aankan Sucuudigu qaatay dareemaya qof la socday xaaladda Sucuudiga muddooyinkii ugu danbeeyey.

Dhibaatada dhalinyarada guurka ka haystay waxaa ka mid ahaa in gabadha iyo wiilka sababo dhaqaale oo yaradka ku saabsan laysugu diido, tusaale ahaan in wiil shaqaystaa oo qoyskiisa ka adag gabadh soo doono, oo lagu xidho lacag aanu qaadi karin, guri, gabadh shaqaale ah iyo darawalkii, labadii dhalinyarada ahaa oo is raba sidaas ku kala baaqdaan.

Gabadhii sidaas dhawr jeer ku guur seegto oo tareenku ka tago, wiilkiina ama guur ka raago ama deyn galo. Badhtamihii sagaashameeyaadka Sucuudiga waxaa ka soo baxday fatwo buuq badan abuurtay oo hablihii guumeesoobay ee guurkii dhaafay suuq guureed gacantuugalaysi ku jiro loogu furayey, Sucuudiga waxaa caan ka noqday Guurka Misyaarka la magaca baxay oo Guur Sahal la odhan karo, Gabadhu waxay reerkoodii ku khasbaysaa in ay guursato nin xaas leh , laakiin aan doonayn in la ogaado habeenkiina aan reerkiisa ka dhaxayn, oo xilli ka mid ah maalintii u soo dusa, Fatwadaas oo odhanaysay guurka noocaas ahi waa banaan yahay, waxaana dhacday in odaygii gabadhiisa u diiday wiilasha dhalinyarada ah in uu ogolaado in gabadhiisii qaabkaas dhuumashada ah lagu guursado.

Run ahaantii Culimadii Sucuudigu xilligaas dhibaatooyinka waaweyn ee dhalinyarada haystay kamay hadli jirin ee qaabka guracan ee noloshaasi abuurtay ayey fatwo u raadin jireen, nolosha Sucuudiga oo isbadeshay lixdameeyadii iyo horaantii todobaatameeyadu dhaqaaluhuna noloshii saameeyey bulshada Sucuudigu waxay galeen nolol akhlaaqdii guurka lumisay ,waxaana ku habsaday dhaqan xumooyin ay adag tahay in ay muddo dheer ka gudbaan, taas oo dhalinyarad saamayn ku yeelatay oo ay adag tahay in laga hadlaa.

Talaabadan dawladdu Sucuudigu qaaday oo si adag loo amray in la fuliyo waxay wax badan ka badelaysaa dhaqamada foosha xun ee bulshada Sucuudiga saamaysay, waxaana la odhan karaa waa go’aankii ugu muhiimsanaa ee xukuumadda Sucuudigu qaadato, waxayna dawo u noqonaysaa dhalinyaradii isu qalantay ee laysu diiday, waxaana qaadiga la siiyey awood uu isugu guuriyo dhalinyarada hadduu arko in waalidku qaldan yahay laba dhalinyarada ahina isu qalmaa.