Deg Deg:Khasaare xoogan Oo Ka Dhashay weerarkii Gaalkacayo,

Taliyaha ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Jeneraal CabdiXamiid Maxamed Dirir ayaa ka badbaaday weerar Argagixiso oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, laguna weeraray Hotel Global oo kuyaala magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana dhanka Koonfureed, halkaas oo uga socday kulan looga hadlayo xaaladda Ammaanka.

Inta la xaqiijiyey 3 ruux ayaa geeriyootay, 25-na waa ku dhaawacantay, Qarax lagu weerary Hotel kuyaala magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kusugnaayeen saraakiil katirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Dhimashada warar kala duwan ayaa kasoo baxaya.

Saraakiil katirsan laamaha Ammaanka ayaa khaatumonews u sheegay in askartu ay rasaas ku rideen gaarigan oo ay ka shakiyeen, balse uu arkiiba qarxay.