Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo laba jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya haatana ah senetor ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay, in socdaalkiisu la xiriiro sidiii mas’uuliyiinta iyo bulshada Puntland uu la tashiyo ugala sameyn lahaa sharciga doorashooyinka dalka ee horyaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.
Balse, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta KHaatumonews u xaqiijiyay, in socdaalka Cumar Cabdirashiid uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta madaxweyne Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Karkaar oo mucaaradsan xukuumadda Puntland oo uu kamid yahay Asad Diyaano iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-da.
