Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay gaaray magaaladaasi iyo wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada ka jira dalka.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.
Ugu horreyn khudbad uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyey shirkaan ayaa waxaa kaga hadlay arrimo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada deyn cafinta.
Shirkaan ayaa noqonaya mid kii horreeyey oo noociisa lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo, tan markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.



