Farriin kooban oo ku socota Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo waxaa xilkii kaaga hadhay sanad, hasa yeeshee hawlaha doorashada baarlamaanka waxaa ka hadhay lixbilood ku dhawaad, sababtoo ah hawlgalka iyo soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxay qaadanaysaa muddo waa in golaha xildhibaanadu dhisan yahay bisha tobnaad ee sanadka 2020.

Mudane Madaxweyne qofkasta oo garasho u saaxiib ahi wuu garanayaa in aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ahi, sidaasi daraadeed haw dhag jalaqsiin afkaarta ku odhanaysa doorasho hal qof iyo cod ayaa ka dhici karta dalka.

Mudane Madaxweyne iyana ha dhagaysan oo yaanu maankaaga ku soo dhicin afkaarta laguusoo bandhigi karo hadana ay kor u qaadeen xubno ka tirsan xukuumadaada sida Khadiija Diiriye in la sameeyo muddo kordhin.

Arinta muddo kordhintu waxay kula maqaam dhigaysaa xilligan xukuumad dalka soo martay adigana waxay kuu tusaysaa nin xukun jecel.
Waa in aadan madaxweyne ka maqaam hoosayn xukuumaddii kaa horaysay oo aan muddo koradhsi samayn.

Mudane Madaxweyne haday kuwii kaa horeeyey kursigu ku dhaganaan lahaa adiga kuma soo gaadheen لو دامت لغيرك ما وصلت إليك
Sidaasi daradeed saansaanka muuqda ee kordhintu waa in ay goobta ka baxdaa adigaana meesha ka saari karee dadka u sheeg, haddase waxay u muuqataa in aad raali ka tahay oo u aamusan tahay السكوت علامة الرضا

Mudane madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa lagaaga fadhiyaa in ay xukuumadaadu ka shaqayso sidii kalsoonidii la soo dhisay ay u sii socon lahayd adiguna aad doorashadii dad-banayd ee qadarta u ah Soomaali in Aadan ka hoos marin , si aysan meesha uga bixin wixii la soo dhoodhoobay, haddaad habeen ku darsatid wax qadarin iyo Ixtiraam aad ku helaysaa ma jiri doonto, ee rajo kordhineed yaanu sanadkani ku lumin intaad soo qabateen hadaad NN alla haydiin calfo. Haddaad soo noqotana waana lagu soo dhaweyn, talooyinka toosinta ahna laydin kala bakhayli maayo.

Akhyaarta Madaxweyne Farmaajo intan iigu geeya.

W/Q Asad Adaani Ibrahim