Ciidamada Liyuu Booliska oo gudaha u galay Somaliland

Ciidamada Liyuu Boolis ee dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay dil iyo dhaawac u gaysteen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaano ka tirsan dhinaca xadka ay Itoobiya la wadaagto maamul beeleedka Somaliland.

Ciidamada ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen dadka shacabka ah oo ah deegaanka Allay-baday ee Degmda Gabiley waxaana ay dileen hal ruux halka laba kale ay dhaawaceen.

Wararka laga helayo deegaanka Allay-baday ayaa waxaa ay sheegayaan in arintan ay ka dhalatay muran dhexmaray ciidamada iyo dad rayid ah, taas oo keentay in ciidamada liyuu Boolis ay dadka shacabka ah rasaas ku furan.

Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa maydkiisa waxaa loo qaaday magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey cisbitaalka deegaanka Allay-baday ee Degmada Gabiley ,