Taliyaha Jabhada SSC Oo Fariin U diray Beesha Isaaq yo Dabaqoodhiga Dhulbahante,

Buuhoodle{ Khaatumonews }Taliya Jabhada SSC Cabdirashiid Madoobe ayaa Sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Nin dhulkiisi la haysto in hadana la dhaho Nabada Ilaali,

”Dhulkayga SSC waxaa duulaan ku soo qaaday Beesha Isaaq iyo Jabhada SNM iyo dhawr Dabadhilif oo ka soo jeeda SSC marka suuro gal noqon mayso in Iyadoo la haysto dhulkayga la uigu dhaho nabada ilaali” Ayuui yidhi Taliye Cabdi madoobe.

Taliyaha Ayaa sheegay in Jabhada SSC ay tahay mid u taagan Xorayna Dhulka maqan iyo Difaacida dhulka xorta ah.

Sidoo kale Beelaha SSC ayuu ugu baaqay in ay Jabhada Ka soo garab dagaalaman.

Dadka aaminsan In Dhulka SSC Ay siii haysan doonan Beesh isaaq ayuu sheegay in taasi ay soo dhamaatay,

Ugu Danbayn taliyaha Ayaa sheegay in shaqada Jabhada SSC aysan ahayn in ay Warbaahinta uga jawaaban Dabadhilif iyo Cadowg ee ay tahay shaqadoodu in ay Ku jawaaban Holaca Hubka,