Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hoos Guuray MD Farmaajo Maxaadse kala Socota Xirirka Jubaland Puntland ee Khayre

Raysal wasaarada dalka soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka hoos baxay Islamarkaana u dhigay dabin siyaasadeed Madaxweynaha Wakhtigiisu sii dhamanaayo ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,

Raysal wasaare khayre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ku kala duwan Qaabka ay udhacayso doorashada dalka ka dhacaysa 2020,

Khayre waxa uu doonaya isagoo eegaya Musharax-nimadiisa madaxweyne ee dhamaadka 2020 in dalka soomaaliya ay ka dhacdo doorashadii xildhiinadu dooranaayen madaxweynaha ee 4.5

Madaxweyne Farmaaja-na isagoo eegaya rajadiisa madaxweyne ee 2020 waxaa uu qorsheenaya in ay dalka ka dhacdo wax loo eekaysiiyay doorasho Qof iyo cod ah.

Khayre oo hada heshiis hoose iyo xirir wacan la leh maamulada Jubaland puntland ayaa diyaariyay qorshe uu ku majo xaabiyo Rajada Siyasadeed Ee Farmaajo islamarkaana uu ku noqanlaha Khayre madaxweynaha dhamaadka 2020.

Khilaafka khayre iyo Farmaajo ayaa soo shaac baxay kadib markii la arkay wasiiradii dawlada oo kala hadlaya iyo xidhibaanadii oo kala hadlaya gaar ahaan intii la isku odhan jiray nabad iyo nolol.

Khayre ayaa inta badan gacanta ku dhigay kooxdii baraha bulshada uga ololeyn jirtay nabad iyo nolol sidoo kale waxaa uu khayre diyaariyay qorshe ay xubno kamid ah Xukumadiisa gaar ahaan wasiirada iyo xildhibaanadu ku shaaciyan in dalka ay ka jirto amni daro xoogan si aysan u dhicin doorasho qof iyo cod ah una Fashilanto rabitaanka Farmaajo

Ugu Danbayntiina Beesha caalamka wefti ka socota oo ka haysta kalsooni Raysal wasaare khayte ayaa aqoonsatay madaxweynaha jubaland kana dagay kismaayo si ay Axmed Madoobe ugala soo tashadan qaabka doorasho ee soomaaliya 2020.

KHAATUMONEWS.COM