War Deg Deg Ah:Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Balcad

Al-shabaab ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday Kantaroolka galbeed ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Weerarka oo dhacay goor hore oo saaka ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askar ku sugneyed kantaroolkaasi inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah.

Warar kala duwan oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex  askari oo ka tirsan ciidamadii kantaroolka joogay lagu dilay weerarkii saaka balse weli saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta degmada Balcad kama aysan hadlin khasaaraha.

Todobaadkii hore Al-shabaab ayaa weerar sidaan oo kale ku qaaday Xerada ciidanka Hiilweyne oo ku dhow degmada Balcad halkaasi oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.