Deg Deg:Maxay Ku Dhamaatay Ciyaartii Dhexmartay Xulal-ka Qaranka Somaaliya Iyo Eritream

Xulka qaranka Somalia ayaa bar-baro kala kulmay xulka Eritrea kulankii 4-aad ee tartanka tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup ee ka socda dalka Uganda.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo dhan walba isaga dheeli tiran hadii ay tahay dhanka weerarka iyo dhanka faafaca.

Goolhayaha xulka Somalia ayaa dhawr mar sameeyay badbaadino la yaab leh isaga oo xulkiisa ku hayay ciyaarta halka ay xulka Somalia sidoo kale heleen fursado cajiib ah.

Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro gool la,aan ah waxana uu xulka Eritrea Xaqiiqsaday kaalinta 2-aad ee Group-ka iyada oo xulka Somalia wali soo bixi karo.

Laakiin rajadooda ayaa ku xidhan kulanka uu xulka Djibouti la ciyaari doono xulka Uganda iyada oo Somalia u baahan in uu xulka Uganda ka badiyo xulka Djibouti Si ay ugu soo baxaan wareega xiga.