Joe Rwamirama oo ah 48 jir u dhashay dalka Uganda, kuna nool magaalada caasimadda ee Kampala ayaa sheegay in dhuusadiisa “ay dili karto kaneecada iyo cayayaanka kale ee u jira ilaa lix mitir”.

“Waxaan cunaa cunto la mid ah tan dadka kale ay cunaan, balse ma jiro cayayaan ku dhiirran kara in uu I soo dhawaado, xitaa diqsiga”, ayuu yidhi Joe.

Ninkan oo aad looga yaqaano magaalada Kampala ayaa waxaa uu intaa raaciyay in maalin walba uu qubeysto, si la mid ah dadka kale.

Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa tuuladii uu degganaaayaa sheegay in aysan jirin qof ku nool tuuladaas oo ay waxyeelo kasoo gaadhay kaneecada, maadaama neetfa ka soo baxda ninkan ay sheegeen”in ay ku diirsadeen”.

Mid ka mid ah cuqaasha deegaankii uu ku noolaa ninkan ayaa sheegay in Joe uu yaqaanay tan iyo yaraantiisii, marka la gaadho xilliyada kaneecadana uu la joogi jiray isaga, si uu uga badbaado waxyeelada ka dhalata qaniinyada kaneecada.

Shirkado ayaa malaayiin doollar oo heshiis ah la galay Mr-Joe, si dawooyin looga hortago cayayaanka iyo kaneecada looga sameyo dhuusadiisa.