Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay.

Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay ku sii qulqullaayay Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhalinyarro u dhalatay Somaliland, kuwaasoo niyad-jab ka qaadday Xukuumaddihii isaga danbeeyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, gaar ahaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ee hadda labadda Sanaddood marraysa.

Dhalinyaraddan ku sii qulqullaaya magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa ay Niyad-xummaan ka qaaddeen hannaanka Maamul ee Muuse Biixi Cabdi, kaasoo u xuub-siibtay eex, qarraabo-kiil, Musuq-maasuq karkaaradda jebiyay,waxaannay maamul-xummida Biixi ay dhaawac wayn u gaysatay Hankii, Hammiladdii, Hiigsigii iyo wada-jirkii ay Shacabka Somaliland lahaayeen, iyaddoo Xukuumadda Biixi ay Ummaddii ku riday rajo la’aan,

Dawladda Fedderaalka Soomaaliya ee fadhigeeddu yahay magaaladda Muqdisho ayaa furtay Xafiis loogu talo-galay dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee ka soo qul-qullaaya guud ahaanba Somalilan

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Xafiis u furtay dhalinyaradda waxbaratay ee maalinkasta iyagoo koox koox ah ka soo degga garoonka caalamiga ah ee Aden Adde International Airport, waxaanna Xafiis loogu talo-galay innuu diiwaan-geliyo dhalinyaraddaas ka soo yaacaysa rajadda la’aanta iyo Maamul-xumidda Biixi, waxaannu Xafiiskani uu dhalinyaraddaasi ka caawin doonnaa, isla markaanna uu u diyaarinnayaa sidii midkasta loo shaqo gayn lahaa, iyaddoo imikabba dhalinyaraddaasi badankooddu ay ka hawl-gallaan Hay’addaha kala duwan ee dawladda Fedderaalka Soomaaliya.