Labo qarax oo waaweyn ayaa daqiiqado ka hor laga maqlay nawaaxiga hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha ugu jiraan dabley ka tirsan Al-shabaab oo saacado ka hor halkaas weeraray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa gudaha hotelka ka wada howlgal lagu soo afjarayo weerarka, iyagoo xiray dhamaan wadooyinka gala hotelkaas.

Rasaas goos goos ayaa weli laga maqlayaa hotelka taasoo ay isweydaarsanayaan dableyda ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada amaanka, waxaana weli cakiran xaalada goobtaas.

Weriye ka tirsan warbaahinta dowlada oo tegay hotelka ayaa sheegay inuu arkay meydadka sadex qof oo iskugu jira garsoore ka tirsan Maxkamada racfaanka iyo labo qof oo shacab ah.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo qaarkood dhaawacyo qaba, masuuliyiin kale iyo shacab ayaa laga soo badbaadiyey gudaha hotelka, halka qaar kalena ay weli halkaas go’doon ku yihiin.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada ayaa joogsaday caawa ka dib markii ciidamo fara badan oo aad u feejigan lagu soo daadiyey, waxaana sidoo kale aad loo xoojiyey amniga Xarumaha dowlada.