Deg Deg:Barlamaanka Puntland Oo Mooshin kaga Qaaday Xubintii Barlamaan nimo Dhoobo Daareed,

Golaha Wakiillada ayaa waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 Mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Dowladda Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiayaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay.

Talaaban Barlamaanka Puntland qaaday Ayaa ah Mid Digniin u ah masuul kasta oo ku jira Xukumada puntland,

Sidoo kale Qorshahan ayaa xalaalen doona in Garoomada iyo Deeganada Puntland laga Diido Siyaasada iyo Socdaalada dhoobo Daareed,