Safiir Camey Oo Ka Xidhay Maamulka Somaliland Itoobiya iyo Dadaalka Uu Ugu Jiro Dhisme Maamul Warsangali iyo Dhulbahante,

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa Adis Sababa Kawada Olole Xoogan oo Soomaliland Kaga Qeylisiyey,Waxaana halkaasi Siweyn Uga Socda Shirarka Maamul u samaynta Sool,Sanaag Iyo cayn oo Safiirka uu Bandhig Udhigay Qorshahii ugu Balaadhnaa.

Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa Kulan Kulayeeshay Adis Sababa Ugu Horayntii safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ,waxaana uu kala Hadlay Qorshaha Dadka Sool,Sanaag Iyo cayn doonayaan Inay maamul Loo sameeyo,Isagoo safiirka U Sheegay Inay Gobolaasi Yahiin Kuwa xadka Ugu Dheer Itoobiya La Wadaaga.

Amaan Xumida Gobolaasi waxay samayn ku yeelanaysa Itoobiya Hadii Ana Wax laga Badalin Ayuu Amb Camey Usheegay Sida Ilo Goob Joog Ahaa Sheegayaan.

Dhanka Kale Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa isku Dayaya Inuu Adis sababa iskugu Geeyo Siyaasinta,Iisimada Iyo Dadka Matlaya Khaatumo Iyo maakhir Si’Ay Go’aan Uga Wada Qaataan In Maamulkaasi Loo sameeyo Goboladaasi.

waxaa Ku Sugan Adis Sababa Wafdi ka Socda Maakhir oo uu Hogaaminayo Gudoomiyahii Xilka Laga qaaday Dhoobo dareed,Sidoo kale Waxaa Halkaasi Ku Sugan Siyaasin Khaatumo ah oo n ahayn kooxdii isku dhiibtay Muuse Bixi

Dhanka kale isimada Khaatumo Ayaa Halkaasi Gaadhaya waxaana Si Hor Dhac U Ah Ku Gaadhey Garaad jamac Garaad cali Iyo wafdi uu hogaaminayo oo qudhoodo ka qeyb ah arrimahan laakin u jooga itoobiya arrima kale oo la xidhiidha colaadii koonfurta sool,