Daawo:Ciidamada Somaliland Oo La Wareegay Hotel Calanka Soomaaliya La Sudhay oo Laascaanood Kuyaal

Ciidamada maamulka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta waxaa ay si awood ah ku galeen kulana wareegeen Hotel Maanta laga furay Magaaladaas.

Ciidamada Booliska Soomaaliland oo wata hubka koocyadiisa kala duwna ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calamada Soomaaliya iyo Kenya oo la surey, xilli ay socotay Munaasabad xariga looga jarayey Hotelka.

Sidoo kale ciidamada Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen qaar kamid ah Milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelkaasi.

Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka carareen, kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka,sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka.