Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira dalka Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayn ah, waxaana xisbiyadaasi kamid ah Ururka ONLF.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Xisbiyadan heshiiska gaadhay ayaa tiradooda lagu sheegay 10 xisbi kuwaas oo intooda badan hore u ahaa Ururo Mucaarad ah oo hubaysnaa, balse wixii ka dambeeyey isbaddalkii dalka ka dhacay waxay noqdeen xisbiyo u soo istaaga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.
Lama hubo talaabada xigta ee ay qaadayaan xisbiyadan kala saxiixday inay wada shaqaynayaan, iyagoo hada isbahaysi cusub samaysteen si doorashada kula tartamaan xisbiga ay ku midaysan yihiin xisbiyada talada deegaanada dalka haya ee EPP.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa xisbiga EPP Ethiopian People Partay kaas oo ay ku midoobeen intooda badan dhamaanba xisbsiyada deegaanka ka jira, waxaase kasoo hor jeestay qorshayaal uu keenay xisbiyada dalka ka jira qaarkood kadib markii ay sheegeen in aysan ku qancin qodob ah in Kilil kasta uu ku xukumi karo qof aan kasoo jeedin dhalasho ahaan.
