Daawo:Cilimada Muqdisho Maxay Ka Dhehen Toobad-keen-kii C,C ,Shakuur

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo wax uu ugu yeeray towbad keenka iyo raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sh-Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayey Siyaasiga CC-Shakuur ayaa yiri”Haddii aad soo duubtay Clip aad leedahay Khalad baa dhacay anigu intaad ku hadashay iyo cudurkaaga ku saabsan wixii aad ku hadashay ka sheekh Bashiir ahaan wuxuu ilayahay mid la aqbali karo waan ku faraxsanahay inuu qofku khaladkiisa garto waana soo dhaweynayaa”

Sheekh Bashiir oo sii hadlaya ayaa yiri”Anaga markaan mowduucaan ka hadlaynay maahayn wax aan uga aargudaneynay,anaga dhawr jeer oo hore intaasoo aflagaadda ah oo dhibaatooyin ah ayuu culimada u geysan-jiray mana ka hadlin jirin mana isdifaacin jirin,marka nagu waxaan u joogno waa ilaalinta iyo difaaca diinta”