Daawo:Dawlada Somalia Oo Ka Hadashay Muqaalada Uu Iska Duubo Xasan Daahir Aways

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedyentii uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in ay u ogolaatay in Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dilkiisa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah kala sameyn Xasan Daahir Aweys hadallada uu jeediyey.

“Arrintaas waxba kama jiraan, Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro, xuquuq ayuu u leeyahay inuu telefon haysto, talefonkiisa ayuu ku hadlay oo uu hawada geliyey, taknoolajiyadda ayaana u saamaxday, ee dowladdu uma gayn media mana dhihin war soo duub, isagaa u arko in diintiisa lasoo weeraray.” Ayuu yiri Maareeye.