Tan iyo markii uu Kursiga Madaxweynenimada ee maamulka Somaliland ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi, waxa soo baxaayay Mawjaddo mucaaridad ah iyo kala duwannaansho siyaasaddeed oo mararka qaarkood meel adag gaadhaayay

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Muuse Biixi Cabdi oo hadda muddo laba sanaddood ah Xilka hayay, waxa ka hor-yimid oo si wayn uga soo horjeestay Siyaasiyiin tiro badan oo ka soo jeedda beesha Habaryoonis, kuwaasoo saluug badan ka muujiyay sida uuwax u maamullaayo Muuse Biixi, waxaannay ku qaaddeen Mucaaridad adag iyo dhaliilo xooggan oo kolkasta u jeeddiyaan Xukuumadda uu hoggaankeedda hayo Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo uu Muuse Biixi Cabdi uu isku dayay innuu iska booso dhaliilaha tiradda badan ee ay u jeeddinayaan Siyaasiyiinta beesha Habaryoonis, haddana taasi umay suurto-gelin, waxaanna muuqata innuu iska difaaci karri waayay dhaliilaha taban ee Siyaasiyiintaas uga imannaaya, taasoo caqabad adag ku noqotay Biixi oo bilowgii horeba maamulkiisu yeeshay mucaarid badan, kadib markii uu dheeli ku yimid Saamigii beelaha Isaaq wada deggani wax ku qaybsan jireen, waxaanna dad badani ku dhaliilaan in Xukuumaddiisu dhinac ka raran tahay oo aannu u xaqsoorin beelaha Somaliland ku wada nool.

Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ciyaaray qorshe cusub oo uu ku yarraynaayo mucaaridada adag ee kaga imanaysa Siyaasiyiinta beesha Habaryoonis,waxaanna bilaabay si uu isaga qaboojiyo innuu Saami wayn ka siiyomaamulkiisa , iyaddoo sida muuqata uu Kurraas badan ku taxay Siyaasiyiin xoog uga soo horjeedday, isla markaanna dhaliili jirey Muuse Biixi, waxaanna siyaasiyiintaas u danbeeyay Siciid Sulub Maxamed oo loo mgacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, iyaddoo ay ka sii horreeyeen Taliyaha Ciiddanka Booliska, Guddoomiyaha baanka iyo kurraas kale oo badan.