Daawo:Sheekh Soomow “‘Ina Cabdi Shakuur waa inuu si deg deg ah u towbad keenaao’

Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar oo loo yaqaan Sheekh Soomow ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdiraxmaan ayaa culumada ku eedeeyey inay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay.

Sheekh Soomow oo arrintaan ka jawaabayey ayaa sheegay inuu Cabdiraxmaan ku xad gudbay Diinta Islaamka isla markaasna uu inkiray xadiisyo sax ah oo Rasuulka CSW laga soo wariyey sidoo kalana Qur’aanka lagu sheegay.

Sheekh Soomow ayaa tilmaamay in xadiis sax ah oo ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim uu rasuulka ku sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah xagga Diinta iyo Caqliga.

Sheekh Soomow ayaa hadalka Cabdiraxmaan ku sheegay inay noqoneysa laba arrin midkood:

  1. Inuu Jaahil yahay oo uusan cilmi laheyn
  2. ama inuu si kibir iyo madax adeeg ku saleysan uu u inkirayo xadiisyo laga wariyey rasuulka iyo aadayo Qur’aan.