Waxaa sii xoogaysanaya Khilaafka xoogan ee udhexeeya Raysal Wasaraaha Qaranka Mudane Xasan Cali khayre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaaji,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!


Khilaafka Labadan Masuul ayaa salka ku haya Doorashada 2020 islamarkaana waxaa jira tuhun kala shaki soo kala dhex galay Khayre Iyo Farmaajo oo midkasta dhankiisa iskaga ilaalinayo kan kale isagoo ka cabsi qaba in uu wato midkasta qorshe kan kale uusan la ogayn oo u qarsoon,


Khayre ayaa shaki weyn ka qaaday Kulankii Madaxweynayaashi hore Dalka iyo Madaxweyne Farmaajo oo uusan waxba kala socon wixii ka soo baxay iyo wixii lagu wada hadlay oo xata warbaahinta laga qariyay,


Raysal wasaare khayre ayaa sidoo kale wada olole uu ku doonaayo in madaxweyne Iskugu sharaxo sanadka 2020 islamarkaana taas badelkeeda uu keensado Raysal wasaare ka soo jeeda Puntland .


Khayre ayaa sidoo kale saaxiib dhow la ah maamulada Puntland iyo Jubaland waxaana jira loolaan xoogan oo udhexeeya Farmaajo iyo khayre oo salka ku haya sidii midkasta saamayn ugu yeelan lahaa galmudug-ta cusub kadibna uu u helo xildhibaanada laga soo doorto galmudug.


Dhanka kale khayre ayaa si hoose ula hadlay Madaxa Xukumada Galmuudg Sheekh shaakir iyo madaxweyne Xaaf isagoo si hoosana ula hadlay guddiga dhismaha maamulka Galmudug kuna wargaliyay in muddo lagu sameeyo hakin shaqadda maamul dhisida inta laga dhamaynaayo tabashada Odayaasha cadaado iyo Ahlu sunna,


Qorshaha Khayre ku joojiyay Jadwalkii dhismaha ee galmudug waxba kalama socon Madaxweyne Farmaajo waanata keentay in khilaafka labada masuul cirka isku taago.

Isha Ku Hay Khaatumonews,com