Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) oo u jawaabayay Odayaal dhawaan ka hadlay magaalada Boosaso oo dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay iney ka danbeeyaan “Niman uu ugu yeeray Nabad iyo Nolol (DFS) kuwaas oo uu sheegay iney “odaayasha wax siiyaan”.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirku wuxuu Sheegay iney Puntland ugu dib dhacsanyihiin Gobolada uu isagu kasoo jeedo (SOOL) welina aan laga maqlin hadalada noocaas ah isagoo intaas raaciyay “War waa nin ganacsada ah dhulna idinkagama baahnaa ee jaa’ifada ka daaya Madaxweynaha”.
Sido kale wuxuu baaq u diray Shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu Xusay ineysan Dowladda dhexe ama beesha caalamku u dhisi karin wax maamul ah.
Odayaal iyo siyaasiyiin loo heysto iney warbaahinta ka dhaliileen Xukuumadda talada heysa ee Puntland ayaa ku xiran xabsiyo ku yaala Magaalada Boosaso.
Sabareya yaashegay in Hore Reer taleex Arrimo siyasadeeday caga ugaliyen masho halis badan wxuuna uga digay Saleebaan cali koore in uu kala baxo taleex Fara si aysan nabadu u xumaan sidii hore udhacday,
Dhanka kale waxaa uu ka hadlay Dhulbahantaha la Qaxaya Dhoobo Daared ee leh maamul ayay noo dhisaysa Xukumada Farmaajo,
