
Muuse Biixi Horjoogaha Maamulka Somaliland ayaa ka jaray Xisbiyada Ay kala hogaamiyaan Cabdiraxmaan cirro iyo Faysal Cali Waraabe dhaqaale xoogan oo hore loo siin jiray,
Golaha wakiiladda Somaliland ayaa 53% ka jaray miisaaniyaddii xisbiyada siyaasadda ee 2020-ka.
Miisaaniyadda ay hore u qaadan jireen saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ayaa ahayd sidan hoose;
6,552,000,000 SLshl oo u dhiganta ($770,823)
Xisbi waliba waxa uu qaadan jiray sannadkii ($256,941).
Bishiina waxa uu qaadan jiray ($21,411).
Hada waxa laga jaray 3,500,000,000 ($411,764)
Waxaana ay noqonaysa miisaaniyadda 2020 in ay qaadan doonan asxaabtu sidan hoose;3.52,000,000 ($359,058)
Xisbi waliba waxa uu qadan doona sannadkii ($119.686)
Bishiina waxa uu qaadan doona ($9,973)
Taas oo ka yar lacagtii ay qaadan jireen 53%

64 total views, 1 views today