600 Deg Deg :Maadey oo ka Hadlay Kulankii uu Axmed Madoobe La Qaatay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg :Maadey oo ka Hadlay Kulankii uu Axmed Madoobe La Qaatay,

Hoggaamiyaha ururka ONLF, Cabdiraxmaan Maadey oo la hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaame (Madoobe).

Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa mid is xog wareysi ah, islamarkaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihiin hal dowlad islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda.

ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka ee dalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...