Deg Deg Daawo:Raysal Wasaare Caan Ah Oo Hada Iscasilay,

Ra’iisal Wasaarihii dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey dalkaasi Ciraaq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Caadil ayaa waxaa lagu shaaciyay inuu xilkii iska casilay, kadib dalka oo ay ka socdeen dibad baxyo rabshado watay muddo dheer.

Sidoo kale is casilaada Caadil ayaa timid digniino iyo fariimo uga yimid dhanka Shiicada Ciraaq uu si kuluul u cambaareeray in awood loo adeegsaday dibad baxayaal cadhaysan oo kasoo horjeeday xukuumaddii Caadil.

Ugu yaraan 400 qof ayaa ku geeriyootay dibad baxyadii dalka Ciraaq ka socday tan iyo Bishii Octoober ee sanadkan 2019, kuwaas oo ugu dambeyntii sababay in uu is casilo Ra’iisal wasaarihii.