Kadib markii maalintii shalay ahayd ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ay weerareen maxkamadda Gaalkacyo oo ay xoog kagala soo baxeen maxaabiis ku eedaysnayd in ay ka ganacsadaan maandooriyaah khamriga ayaa waxaa dhacdadii shalay ka hadlay taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug Gen. Jaamac Maxamed Axmed.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Taliye Jaamac Maxamed Axmed ayaa ku eedeeyey ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Mudug in ay weerar badheedh ah ku qaadeen maxkamadda isla markaasna ay xoog kula baxeen eedaysanayaashii xukunka ay ku riday maxkamaddu.

Waxa uu sheegay taliyuhu in ciidamada Daraawiishta Puntland iyo malayshiyaad hubaysan oo ay isku hayb yihiin dadka la xukumay ay weerarkaasi qaadeen isla mar ahaan taana isku dayo ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay ku guul daraysteen maadaama gacanta lagu soo dhigi waayey ragaasi oo ay kaxaysteen ciidamadu.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug Gen. Jaamac Maxamed Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dacwad ay ka gudbiyeen ciidamada Daraawiishta una gudbiyey dacwadaasi taliyaha guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland Yaasiin Cumar Yuusuf si wax looga qabto dhibaatada ay kawadaan ciidamadu gudaha magaalada Gaalkacyo, isagoona si kooban uga warbixiyey hawlgalo ay sameeyeen ciidamadu oo ay gacanta kusoo dhigeen 1500  oo dhalo oo khamri ah kaas oo uu sheegay taliyuhu in saaka lasoo galiyey magaalada Gaalkacyo.