Daawo Sawiro:Hubkii Ugu Badnaa Oo Usoo Dagay Puntland,

Dekadda magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo degay gaadiid dagaal kii ugu badnaa ee laga soo dajiyo xeebaha Puntland, kadib markii dalabyo dheeraad ah ay u gudbiyeen madaxda ka saraysa hogaamiyaasha hay’adda PSF ee ciidamada Puntland.

Gaadiidkani dagaal oo aad u tira badan lana soo saaray doonyo iyo maraakiib ayaa waxaa ugu dambeyntii laga soo dajiyey dekadda magaalada Boosaaso, waxaana haatan tiradoodu ay ku dhow dahay ilaa sodomeeyo gaadhi oo nooca dagaalka ah hasa yeeshee dekadda Boosaaso ayaa waxaa hada laga soo dajiyey ilaa tabaameeyo gaadhi.

Saraakiisha ciidamada difaaca PSF ayaa u qorsheeyey gaadiidkani in ay ka qayb qaataan sidii loogu difaacida Puntland laguna dagaalami lahaa kooxaha argagixisida ah ee Daacish iyo Al-shabaab.

 61 total views,  1 views today