600 Somaliland Oo An Lala Heshiin Miyay Doorasho Qof Iyo Cod ah Somaliya Ka Dhici karta?” Hadayse Ka Dhacdo Maxaa Dhacaya’ | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Somaliland Oo An Lala Heshiin Miyay Doorasho Qof Iyo Cod ah Somaliya Ka Dhici karta?” Hadayse Ka Dhacdo Maxaa Dhacaya’

Maalmahan waxaa jira warar aad uga soo baxaayay shaqsiyaad kamid ah Xukumadda Taladda Haysa iyo masuuliyiin kamid ah Xisbiyadda xamar, kuwaaso leh sanad kadib dalka soomaaliya, waxaa ka dhacaysa Doorasho Qof iyo Cod ah,

Sodonkii sano ee dalkan soomaaliya, burbursana xukumadihii ka talinaayay waxaa lagu soo dooran jiray qaab beeleed taaso deegaan kasta laga soo dooraayay Xildhibaan. umatalaaya Dawlada si dalka midnimadiisa loo ilaalsho kadibna beel waliba ay iskaga dhex aragto dawlada,

Hadii laga guuro Nimaadka doorasho ee beelaysan loona guuro Doorasho qof iyo cod ah ma tahay mid hada soomaaliya ka dhic karta,?

18 gobol ee dalka soomaaliya, waxay u kala qeyb samaan labo Gobol oo kala ah Waqooyi iyo Koonfur.

Su’aashu waxay tahay koonfur waa 13 gobol Sadex waxaa kataliya maamulka puntland, oo aan ku qanacsaneen Doorashadan 2020 ee xukumada Farmaajo, labo gobol oo kamid ah Jubaland-na gacanta uguma jiran dawladda oo Kismaayo iyo Bu’alle kala ah,

Hadaba Doorashada qof iyo codka ah ee 13 gobol ee koonfur xataa aysan kuwada socon ee shan kamid ah dibada ka taagan yihiin say udhacaysa?

Xaga somaliland hadaan eegno Gobolada waqooyi, oo ka kooban shan Gobol waxaa ay gacanta ugu jiran Gooni goosadka Somaliland, kuwaaso aysan suuro gal ahayn in xiligan xukumadda Farmaajo ka qabato Doorasho qof iyo cod ah,

Xukumadda Madaxweyne Farmaajo ma is weydiisay Tolow Hadii ay Isku daydo inay qabato Doorasho qof iyo cod ah iyadoo gobolada waqooyi u afduuban yihiin somaliland, in ay taasi cadeen u noqon doonto islamarkaana caalamka tusi doonto in shanta gobol ee waqooyi aysan kamid ahayn soomaaliya,

In Xukumada Farmaajo Dafirto Goboladaasi oo qabato Doorasho qof iyo Cod ah waxay sii xoojin doonta Rabitaanka maamulkaasi Hargaysa,

Xukumada Farmaajo Ee Ku celcelinasa doorasho Qof iyo cod ah ayaa soomaaliya ka dhacaysa soomaaliyada ay sheegayaan ma waxay u yaqaaniin Muqdisho Baydhabo Dhuusamereeb Baladweyne Gedo,.Jowhar Marko,?

Isku daygan Xukumadda Farmaajo qorshaysano Ee Asalkiisu yahay sidii ay mar kale taladda dalka ugu soo laaban lahaayen ayaa noqonaaya mid jar ka tuurra Nidaamkna taagta daran ee soomaaliya Beesha caalamku usoo dhoob dhoobaysay ilaa burburkii,

KHAATUMONEWS.COM

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...