600 Deg Deg:Axmed Madoobe Oo Safar ugu Baxay kenya Iyo Labo Qodob ugu weyn Socdaalka. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Axmed Madoobe Oo Safar ugu Baxay kenya Iyo Labo Qodob ugu weyn Socdaalka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, kadib doorashadii dib loogu doortay maamulkaasi.

Axmed Madoobe iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar qaas ah ka qaaday gudaha magaalada Kismaayo, taas oo si toos uga dajin doonto Nairobi, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa salka ku haya labo arrin oo kala ah xal u raadinta xiisada ka taagan gobolka Gedo iyo kulamo uu la qaadanayo maxda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Niarobi kula kulmi doono siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Gedo oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolkaasi, si xal waara loogu helo arrimaha ka dhanka ah Jubbaland ee ka soo cusboonaaday halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu mas’uuliyiinta Kenya kala hadlo arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan go’ddoonka la galiyey maamulkaasi.

Kenya ayaa si dhow u taageerto maamulka Axmed Madoobe, waxaana xafladdiisii caleema saarka ay u soo dirtay wafdi culus oo tegay Kismaayo, islamarkaana jabiyey xayiraad dhinaca hawada ah oo ay dowladda dhexe saartay duulimaadyada magaaladaaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...