600 Deg Deg Daawo:Gobol Puntland Kamid ah oo Halis Ku jira, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Gobol Puntland Kamid ah oo Halis Ku jira,

Gobolka Gardafuu oo kamid ah sagaalka gobol Puntland ay ka kooban tahay, ayaa galay xaalad go’doon ah, kadib markii roobab halkaas ka da’ayay maalmihii ugu dambeeyay ay kala jareen waddooyinkii isku xiri jiray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gobolkaan oo dhaca bariga fog ee dhulka xeebaha bari, ayaa horey u lahaan jiray waddooyin macmal ah oo buuraha dushooda kuyaalay, kuwaas oo mararka qaarkood halistooda ay badnayd.

Wadada kaliya ee gobolkaas iyo gobolada kale isku xiri jirtay oo la yiraahdo Lafagorayo, ayaa hadda gebi ahaanba xirantay sida ay maanta warbaahinta u sheegeen xildhibaano kasoo jeeda gobolkaas oo warbixintiisa horgeeyay kalfadhiga barlamaanka Puntland.

Xildhibaanadu waxay tilmaameen in gobolku ku sugan yahay xaalad adag oo aan indhaha laga qarsan karin, iyagoo sheegay in xitaa dhinacii badda aan loo mari karin sababa la xidhiidha badda oo kacsan.

Mudanaayaasha waxay ku baaqeen in si degdeg ah xaalada waddooyinka gobolkaas wax looga qabto, dowladda iyo hay’addaha gargaarkuna ay gaarsiiyaan wixii taakulo ah oo ay ugu talo galeen shacabkaas go’doonsan

Gobolka Gardafuu waa gobol kuyaala dhul taariikh fog leh oo ay ka buuxaan khayraad dabiici ah oo bad iyo berriba leh. Tan iyo markii Puntland u aqoonsatay gobol gaar ah sanadkii 2013, ma helin xuquuqdii uu lahaa oo ay ugu horeeyaan adeegyada arrimaha.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...