Golaha Baarlamaanka Putland ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyada 2020 ee dhowaan la hor geeyay Golaha Wakiilada.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland Mudane Abwaan Cabdirshiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wakiillada ay ku ansixiyeen Miisaaniyada dalka oo ah $346,416,158.99.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada oo ay soo xaadireen 44 mudane ayaa waxaa cod gacan taag ah ay 44 mudane ku ansixiyeen, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin, sidaas ayeyna Miisaaniyada Puntland ee Sanadka 2020 ku ansaxday.