Deg Deg Daawo sawiro:Qarax Ka Dhacay Muqdisho,

maqal iyo muuqaal Wararka

Qarax ayaa goor dhow abaarihii 12:20 duhurnimo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta labada isgoys ee Banaadir iyo Zoope gaar ahaan agagaarka hotelka Safari.

Qaraxan ayey wararku sheegayaan inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofka iska leh.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu dab xoog leh qabsaday qaraxa ka dib, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka dab demiska.

Lama oga illaa hadda qofka iska ahaa gaariga iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana xiran wadada isku xirta Zoope iyo Banaadir oo ka mid ah jidadka mashquulka badan ee Muqdisho.