Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa inuu dhexmaro Madasha Xisbiyada Qaran iyo Villa Somaliya oo ay kala matalayaan labadii Madaxweyne ee hore iyo madaxweynaha talada dalka haya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulankan saddexda Madaxweyne ee xukunka isaga danbeysay (2009 – 2021) welina siyasadda ayagoo firfircoon kuwada jira, ayaa imaanaya waqti kooban ka dib aasaaskii madasha xisbiyada qaran iyo dhacdooyinkii isdaba xigey oo xaaladda siyaasadeed ee dalka cirka ku shareeray.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya ayadoo waqtigii golayaasha dastuuriga ah iyo madaxweynaha dalkaba ay muddo xileedkoodii uga dhiman tahey qiyaastii hal sano, welina madaxda Villa Soomaaliya aysan kala caddayn jihada doorasho ee dalku aadi doono, taasoo aheyd mid ka mid ah sababibihii loo aasaasay madasha xisbiyada qaran.
Kulankaan ayaa imaanaya ayadoo qeyb ka mid ah dawlad goboleedyadii ugu muhiimsanaa iyo dawladda dhexe uu khilaaf ka dhex aloosan yahay, Dawlad goboleedka Galmudugna ay saalada qaliinta Villa Soomaaliya ku jirto dadkeenii aysan ka war-hayn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan tahey.
Kulankaan ayaa imaanaya ayadoo dadka Muqdisho ay waajahayaan nolol adag, ciriiri badan, jeebabkooda oo dawladda iyo alshabaab ay si naxariis darro u baartaan, intaasna ay u sii dheer tahey ayagoon wax adeeg ah loogu bedelin, Karaama dilka iyo bac ka siiduna ay u dheer tahay.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya ayadoo xaaladda amni ee dalka aan lagu tallaabsan Wax horumar ah oo la taaban karo, ciidamadii cadowga laga horgeyn lahaana loo adeegsanayo dano siyaasadeed, Argagixsadana awoodoodii ay gaartey markii koowaad taariikhda in ay Canshuur ka gurtaan Dekedda Muqdisho!
Maanta dalku wuxuu taagan yahey kala goys, halka loo dhaqaajiyo ay ku xiran tahey wadahadalka dhacaya, inuu badbaado ama wadadii hore ee qarda-jeexa aheyd uu iska sii haayo, waxaa muuqata fursad sanadka harey umadda dib la isugu soo celin karo, laguna qaban karo doorasho daahfuran oo qaabkeeda la isla go’aamiyey, balse waa haddii Madaxweyne iyo la taliyaashiisu ay go’aansadaan in aysan isku xirin mustaqbalka Soomaaliya iyo fursadaha ay xukunka ku sii joogi karaan ama ku soo noqon karaan.
Waxaa maanta horyaalla saddexda madaxweyne ajandayaal muhiim ah oo siyaasadda dalka guud ahaan taabanaya, waxaana la hubaa markii koowaad si toos ah in Md. Farmaajo dhegahiisu ay maqli doonaan waxyaalo badan oo la taliyaashiisu ay ka qariyeen ama uga tureen, waxaa rinjiga laga qaadi doonaa arrimo badan oo ay u qurxiyeen saaxiibadiis, haddii uu dulqaad iyo go’aan qaadasho yeeshana kulanka maantay ah wuxuu horseedi doonaa in uu sanadka harey uu ka nasto dhagxaantii iyo qorihii ay saaxiibadiis sacabada u geliyeeen si uu ugu weeraro umadda uu madaxweynaha u yahay.
Ugu danbayn, waxaa kulanka maanta laga rajaynayaa in uu fure xal u noqdo xaaladda ceegsanaanta iyo mugdiga hareeyey siyaasadda dalka, dhanka caddayn u noqdo in Soomaalidu waxeeda xallisan karto ama wuxuu qufulka u sii adkayn doonaa xaaladdii cakirnayd ee horey u jirtey.
W/Q Xil Ahmed Moallim Fiqi
