600 Dhulbahante Muxuu Ka Faa”iiday labadan Cashar ee Dalka Soo Maray? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dhulbahante Muxuu Ka Faa”iiday labadan Cashar ee Dalka Soo Maray?

Waxaan Aad Isku weydiiyay Su aallo Dhawr ah Kuwaaso mar’aan Naftayda La Shawray aan ilaa hada U waayay wax jawaab ah,

Dalka Soomaaliya Markii uu lahaa Dawladda Waxaa Faa’ iido Ku qabay Dawladahaasi Beelaha Koonfurta Soomaaliya,Iyo Beelaha Hada loo yaqaan Puntland ee Majeerten Iyo beelaha waqooyi ee hada Loo Yaqaan Isaaq,

Beelaha hawiy,e Isaaq, Majeerten, Waxay ahaayen Dadkii ay naas Nuujin Jiren Dawladihii Soo maray Dalka soomaaliya, waxayna ahaayen kuwii ka Faa’iiday Dawladahaasi Haday tahay Dhisme Wado,Jaamacad Horumar Deegaan Warshaddo Ceelaal Biyood iyo caafimaad. Waxbarasho Bilaash ah.

Hadaba Dadkii Faa’iidada ku qabay Dawladnimada Soomaaliya, ayaa hadana Dumiyay dawladii Ay Faa’iidada ku Qaben islamarkaana ilaa maanta aan wax baahi ah u Qabin Dawlad ay yeelato Soomaaliya.

Su aasha aan Jawaabta u waayay ilaa hada ee aan is weydiiyay ayaa ah maxay tahay Sababta Dadkan Dawlada Faa’iidada ku qabay aysan Dawladnimo urabin oo u Dumiyen dawladii. Islamarkaana Mid aan tii hore ee dhisneed Faa’iido ku qabin hadana dawlad la’aan aan Faa’iido ku qabin uu dawlad u raadinaayo?!.

Beelaha Sool Sanaag Cayn Waa Beelaha Inta badan usacabiyo Dawlad soomaaliyeed, waana Beelaha kaliye Dantoodii khaaska ahayd ku iloobay dawladnimo soomaaliyeed oo aan cidi larabin,

Beelaha SSC Dawladihii hore ee Dalka Soomaaliya soo maray wixii ka horeeyay 30 kii sano ee Burburka wax Faa’iido ah ku maysan qabin dhulka ay dagan Malahayn Iskuul caafimaad iyo biyo wadooyin hadana waxay Ahaayen kuwa kaliye u ahaa Dayrka Dawladnimada ee aad muudayso in ay dadka kale ka xigan,

Burburkii markuu dhacay Reer SSC Wax Faa’iido ah kamaysan helin dawlad La’aanta laakiinse Beelihii Faa’iidada ku qabay dawladihii dhisna waxay Faa’iido kale ka helen Burburkii Dawladnimada Soomaaliya waxayna dhisteen Dawlad beeleed ay Waxkasta iyagu yihiin waana taas ta aysan urabin dawlad soomaaliyeed. islamarkaana uga Faa’iiden Burburkii,

SSC Umada dagam Dawlad iyo dawlad La’ aan marnaba sheegan maayan Faa’iido hadana waa kuwa kaliye Ku dhagan Dawlad aysan rabin kuwii Faa ‘iidada ku qabay,

Si Kastaba Ha Ahaate Bulshada SSC waxaa La Gudboon in Ay Waxkasta ka hor mariyaan Danaha iyaga khaaska u ah Islamarkaana ay iska dhigan meel wixii dan la aani kow ka tahay, maadaba aysan horana Faa’iido ugu helin Dawladihii dalka soo maray burburkiina Aysan Faa iido ka helin,

Kala Xiriir Xafiiska Khaatumonews What’s app Number +46735769421

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...