Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dalka Kenya Ay yeeshen kulan Dhaliyay Shaki badan oo wixii ka soobaxay Qolaba si uga hadashay,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dad u badan Xildhibaano ayaa waxaa ay ka fal celiyeen kulankaas oo War-Saxaafadeed ay dowladda ka soo saartay lagu sheegay in laga heshiiyey arrimo ay kamid yihiin,dhinaca socdaalka soo celinta xiriirka labada dal iyo qodobo kale

Sakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulankaas ay ka muujinayaan walaac badan,isla markaana dowladda Soomaaliya aysan sirasmi ah u soo bandhigin waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in dalkaan uu yahay mid la wada leeyahay Shacabka Soomaaliyeedna ay sugayaan in loo iftiimiyo wixii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne.

Waxaan maqleynay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo in Viisaha loo fasaxay,waxaas waa wixii horay looga hadli jiray waaye Viisana kama rabno ee dowladda dadka ha u cadeyso wixii rasmi ah oo ay ka wada hadleen labada Madaxweyne ayuu yiri ”Xildhibaan Zakariya.