War Deg Deg Ah:Dagaal kasocda Sanaag Ciidanka Puntland Oo La Wareegay Hadaftimo,

Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa kasocda deegaanka Hadaaftimo ee gobalka Sanaag, waxaana la maqlayaa hubka culus oo ay isku adeegsanayaan.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Khaatumonews in uu dagaalkan kasocdo deegaanka Hadaaftimo, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan.

Ciidamada darawiishta Puntland ayaa saaka Weerar Ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan maamulka Hargaysa uu halkaasi ku sugan.

Deegaanka Hadaftimo ayaa hada Gacanta ugalay Ciidamada puntland iyadoo Maleeshiyaadkii Somaliland iyana ay ku sugan yihiin Meel aan saas uga fogen,

Wixii Soo kordha kala soco Khaatumonews.com