Deg Deg Daawo:Gudoomiye Ciro Laga Qaatay Ciidankii ilaalada U Ahaa,

Muuse Biixi ayaa ku amartay ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) inay iska soo xaadiriyaan xeryaha ay ku qoran yihiin.

Talaabada ay qaaday Taliska Muuse Biixi ayaa keentay inay kala jabaan ilaalada gaarka ah ee gudoomiye Cirro iyada oo wararku sheegeen in qaar ka mid ahi ay qaateen amarkii la faray isla markaana ay iska xaadiriyeen xeryahoodii halka qaar kalana ganafka ku dhufteen iyaga oo ku adkaystay inay ka sii mid ahaanayaan ilaalada hogaamiyaha Waddani.

Siyaasi Cabdilaahi GeelJire oo isna kamid ah masuuliyiinta Xisbiga wadani Ayaa warkaasi cadeeyay isagoo la hadlay hada Warbaahinta,

 41 total views,  1 views today