600 War Deg Deg Ah:Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Dagaal Ku Qabsaday Carmo, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Dagaal Ku Qabsaday Carmo,

Boosaaso{ Khaatumonews }Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd raasaas xooggan isku weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhowaan gadood sameeyay iyo ilaalada wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Carmo, ayaa Khaatumonews u sheegay in ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ay tacshiirad culus ku dhexmartay gudaha Carmo, inkastoo aan la ogayn haddii khasaare kala gaaray labada dhinac.

Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa sida la sheegayo markii dambe ku guulaystay in ay kala dhex galaan wasiirka iyo ciidanka Daraawiishta ee halkaasi ku sugan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxa uu la xiriiray muranka wasiir Cabdisamad Gallan iyo ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalka la yiraahdo Ciise Yulux oo maalin ka hor waan-waan lagaga soo saaray magaalada Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...