600 Muuse Biixi Oo Aflagaadeeyay Beelaha Gabooye, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Muuse Biixi Oo Aflagaadeeyay Beelaha Gabooye,

Hargaysa{ Khaatumonews } Muuse Biixi hogaamiyaha maamulka somaliland ee wakhtigan ayaa wakhti hore ku goodiyey inuu maruun xabsiga dhigi doono gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo hada ku xidhan Mandheera.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurada da’da yar ee somaliland ayaa soo bandhigay sida uu Muuse Biixi u jeclaa inuu maruun xidho afhayeen Barkhad wakhti uu ku qaabilay magaalada Boorama ka dib markii uu xoriyadiisa ay siisay ka dib mudo uu ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa fariin uu soo dhigay barta Facebook waxa uu ku soo bandhigay dareenkii Muuse Biixi ku qaabilay ka dib markii ay xoriyadiisa siisay, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-

Arinka lagu xidhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga wadanni Anu dhaliilina maayo Taageerina maayo oo Maxkamadaha ayaa kala cadayn lakiin halkan waxaan ku soo bandhigayaa kulan aan Madaxwayane Muuse Biixi Boorama kula yeelanay xiligii shirwaynaha xisbiga kulmiye iyo wuxuu Madaxwaynuhu ka yidhi mar uu soo hadal qaaday Afhayeenka Xisbiga WAddani BARKHAD BATUUN .

Madax Wayne Muuse Biixi ayaa isaga oo la hadlaya dhaliinyar ka kooban shan qof oo aan ka mid ahaa yidhi:” Aduunyadu inay is badashay C/Raxmaan Abees oo Reer samatar ah oo waliba reer Xaaji faarax ah ayaan xidhay midgaankii Barkhad Batuuna Habeen walba wuu I caayaa oo Waan xidhi kari laayahay. Xaaji faarax hadii intaa qabriga loogu sheego tollow muxuu odhan lahaa)” Sidaa waxa u dhignaa hadalkii Madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Soomaliland. Arinkaasi wuxu leeyahay Markhaati kalidayna maan ahayn. Hadal Cunfi iyo Cunsuriyadle ayuuse ahaa.

FG : Ilaahay ayaa u wayn cid laga baqo Madaxwaynahana been kama sheegayo. Ilaahay ayaan maalinta qiyaamah la hortagayaa In madaxwaynu Hadalkaa Af-kiisa ka yidhi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...